Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida & Dembiyada Culus ee Shanta Gobol ayaa maanta xukun dil ah ku xukuntay shan nin, oo lagu eedeeyay in dilal iyo qaraxyaba ka gaysteen Magaalada Boosaaso.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda Ciidamada horkeenay afar ka mida ah shanta nin ee la soo eedeeyay, iyadoo maxkamadeyntuna ay ka dhacday Xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Baydhabo.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa raggaasi ku soo eedeeyay in dilal iyo qaraxyaba ka gaysteen magaalada, iyagoo shan nin ah, ayna hay’adaha amniga ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan afarta nin ee maanta la hayo.
Guddoonka Maxkamadda, Gaashaanle Dhexe Cabdirisaaq Jaamac Cabdille ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda oo ah dil toogasho.
Shanta nin ee dilka lagu xukumay ayaa kala ah:-
Cabdiraxmaan Ciise Axmed Laahoor, oo maqane ah
Jaamac Aadan Tusbaxle
Ayuub Cumar Shire
Cabdullaahi Salaad Boos
Maxamed Abshir Muuse
Gaashaanle Dhexe Cabdirisaaq Jaamac Cabdille ayaa sheegay in xukunsaneyaasha ay haystaan muddo bil ah oo rafcaan kaga qaadan karaan xukunkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com