Rooble oo kormeeray Dekedda Magaalada Muqdisho

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray Dekedda Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa u kuurgelayay habsami u socodka howlaha shaqo ee ka socda dekedda weyn, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

“Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday Dekedda Muqdisho, isagoo u kuurgelayay habsami u socodka howlaha dekedda, waxa uu warbixin ka dhageystay Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda iyo masuuliyiinta dekedda, oo uga waramay sida ay u socdaan howlaha dekedda oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha ee dalka ugu muhiimsan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Rooble ayaa ku guda jira maalmihiisii ugu dambeeyay ee shaqada, waxaana xusid mudan in maanta uu shir guddoomiyay kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com