Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo booqasho taariikhi ah ku tegay Turkiga (SAWIRRO)

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mohammed bin Salman ayaa markii ugu horreysay muddo sannado ah u socdaalay dalka Turkiga, si uu wada hadalo ula yeesho Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, isagoo ka shaqeynaya dib u soo celinta xiriirkii burburay ee labada dal, ka dib dilkii 2018-kii Wariye Jamal Khashoggi loogu gaystay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Magaalada Istanbul.

Madaxweynaha Turkiga ayaa Dhaxal-sugaha ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Ankara, ka hor intii aanay kula kulmin xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Turkiga.

Bayaan ay si wadajira u soo saareen ayaa lagu sheegay in labada dowladoodba ay ka go’an tahay hiigsiga mustaqbalka, isla-markaana ay yeelan doonaan iskaashi cusub oo dhanka xiriirka labada dal ah.

Amiir Mohammed bin Salman oo ka faa’iideysanaya hantida faraha badan ee Sacuudiga iyo awoodda wax soo saarka ee saliidda ayaa doonaya in uu dabciyo eedeymaha mar walba loo jeediyo ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaa. Amiirku waxa uu horey u beeniyay in uu bixiyay amarkii lagu qaarajiyay Wariye Jamal Khashoggi, oo si weyn u dhaliili jiray Boqortooyada Sacuudiga.

Dhankiisa, Madaxweyne Erdogan waxa uu raadinayaa taageero dhaqaale oo gacan ka gaysan karta wax ka qabashada dhaqaalaha Turkiga ee sii liicaya, ka hor doorashada adag ee madaxtinimada dalkaasi, ee la filayo sanadka soo socda (2023).

Socdaalka Mohammed bin Salman ee Caasimadda Ankara ayaa qayb ka ah booqasho uu ku kala bixiyay dalalka Masar iyo Jordan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com