Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa Emirate-ka Carabta (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa lagu lafa-guray hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaqdhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka.

Madaxweyne Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahadceliyay ajiibidda martiqaadkii ay u fidiyeen, waxa uuna soo bandhigay doorka ay dowladdiisu ka qaadaneyso gurmadka abaaraha ka jira dalka iyo dib u soo celinta taageeradooda ku aaddan ammaanka iyo adeegyada bulshada ee Dowladda Emirate-ku ay ka fulin jirtay gudaha dalka.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Emirate-ka, garab istaagga ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka Somaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com