Ra’iisal Wasaare Barre oo la kulmay Shariif Sheekh Axmed (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa la kulmay Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, ka dib markii uu ku booqday hoygiisa Magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in Ra’iisal Wasaaraha cusub ay ka wada hadleen xaaladda dalka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale u hambalyeeyay Ra’iisal Wasaare Barre, iyadoona uu Xildhibaanada Baarlamaanka ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan, si uu u soo dhiso xukuumad dalka iyo dadkaba u adeegta.

“Waxaan mar kale ugu hambalyaynayaa masuuliyadda loo magaacabay, waxaan ka codsanayaa Xildhibaanada sharafta leh in ay siiyaan codka kalsoonida Ra’iisal Wasaaraha cusub, si uu u soo dhiso xukuumad cusub oo dalka iyo dadka u adeegta.”

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa la filayaa in dhawaan uu hortaggo Baarlamaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com