Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee Emirate-ka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isaga oo la wadaagay dadaalka ay Dowladda Somaliya gelinayso xoojinta xiriirka Imaaraadka, taas oo ka dulqaadaysa caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan.

Madaxweynaha ayaa jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed uga xog warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in Dowladda Federaalka Somaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha, horumarinta bankiyada, maalgashiga dalka, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah.

“Kulanka aan la qaatay Madaxweynaha waxyaabaha ugu horreeyey ee aan kala hadlay waxa ay ahaayeen fududeynta sharciyada, dal ku galka iyo guud ahaan isu-socdka muwaadiniinta, isla markiiba Madaxweynaha Imaaraadka waxa uu amray in Safaaraddooda magaalada Muqdisho ay dadka Soomaaliyeed si toos ah uga soo qaataan fiisaha. Sidoo kale, dhammaan caqabadaha kale ee jira waxaan isku raacnay in la xalliyo oo guddiyo farsamo ay ka shaqeeyaan fududeynta dhaqdhaqaaqa ganacsiga, bankiyada, maalgashiga iyo sharciyada.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga warbixiyeen xaaladda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi, iyaga oo sheegay xiriirka labada dal ee xumaaday sannadihii la soo dhaafay in uu saamayn weyn oo dhaqaale ku yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed, waxa ayna uga mahadceliyeen mudnaanta uu siinayo hagaajinta xiriirka muhiimka ah ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xubnaha jaaliyadda kula dardaarmay xoojinta midnimadooda iyo in ay is caawiyaan, isla-markaana ay si wanaagsan kula noolaadaan shacabka iyo dowladda dalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com