Ra’iisal Wasaaraha magacaaban oo la kulmay Madaxweynihii hore ee dalka, Farmaajo (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa hoygiisa Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in Madaxweynihii hore ay ka wada hadleen marxaladda uu dalku marayo.

“Waxaan booqasho ugu tegay caawa Madaxweynihii 9aad ee JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, anaga oo ka wada hadalnay xaaladda guud ee uu wadanku hadda marayo.”

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa Caasimadda Muqdisho ka wada kulamo la xiriira, sidii uu codka kalsoonida uga heli lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com