Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku jooggeen dalka Emirate-ka Carabta.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalkaasi waxa uu kulamo la qaatay Madaxweyne Mohammed bin Zayed Al Nahyan, oo ay ka wada hadleen kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta dal ku galka, isu socodka badeecadaha, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta bankiyada iyo xoojinta maalgashiga dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale kulan is xog wareysi ah la qaatay jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi, isagoo ka dhageystay warbixinno ku aaddan caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan, waxa uu u sheegay in ay dowladdu dadaal ku bixineyso wax ka qabashada cabashooyinkooda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com