Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka oo xilka loo dhaariyay (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xilka loo dhaariyay, ka dib markii uu codka kalsoonida ka helay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Ra’iisal Wasaaraha oo hortagay Xildhibaanada ayuu ujeedku ahaa inay codka kalsoonida siiyaan, si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh.

220 Xildhibaan oo Xarunta Golaha Shacabka fadhiyay ayaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday magacaabidda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu 15-kii bishan ugu magacaabay Xamse Cabdi Barre inuu noqdo Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay in Xildhibaanadii kulanka joogtay ay dhammaantood ogol ugu codeeyeen Ra’iisal Wasaaraha.

“Kooramka Xildhibaanada noo fadhiya waa 220 Xildhibaan, dhammaan waxay u codeeyeen ogol, wax ka aamusay iyo wax diiday ma jiraan. Sidaasi daraadeed Ra’iisal Wasaaraha magacaabistiisu waa ansax. Ra’iisal Wasaaraa Somaliya oo dhaba isagaa ah maanta.” Ayuu yiri Aadan Madoobe.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa dhaariyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee xukuumadda.

Ra’iisal Wasaare Barre oo khudbad u jeediyay Xildhibanaada ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ka shaqayn doonto wax ka qabashada arrimo ay ka mid yihiin abaaraha, amniga, dhameystirka dastuurka iyo wada hadalada Somaliland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com