Wasiirka Maaliyadda oo looga yeeray Xafiiska Xeer Ilaalinta, si su’aalo loo weydiiyo

Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa looga yeeray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, qaybta qaabilsan dembiyada lidka ku ah maaliyadda.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa lagu sheegay in qaybtaasi ay gudaneyso waajibaadkeeda shaqo, oo ku aaddan baaris ay ku waddo dembiyo la xiriira maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka.

Wasiir Beyle ayaa laga dalbaday maalinta Isniinta in uu yimaado Xafiiska Xeer Ilaalinta, si wax looga weydiiyo arrimaha la xiriira maaliyadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com