Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo caawa ku hooyanaya Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee degmadaasi.
“Madaxweynaha Jubbaland iyo Odayaasha Dhaqanka Dhoobley ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee degmada iyo deegaanada ku xeeran, iyadoo Odayaasha Dhaqanka ay uga mahadceliyeen Madaxweynaha dadaalada uu ku bixinayo daadejinta maamulka iyo adeegyada bulshada ee Degmada Dhoobley.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.
Warka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jubbaland ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Dhoobley sii wadi doona kulamada uu la yeelanayo qaybaha kale duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Dhoobley.”
Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Dhoobley.
Khamiistii Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa ansixiyay in Dhoobley iyo Buurdhuubo ay ka mid noqdaan Degmooyinka rasmiga ah ee Jubbaland.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com