Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo khadka teleefanka kula hadlay dhiggiisa Yemen

Ra’iisal Wasaaraha Yemen, Maeen Abdulmalik Saeed ayaa khadka teleefanka kula soo xiriiray Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre, si uu ugu hambalyeeyo magacaabistiisa iyo kalsoonida Golaha Shacabka, ee Sabtidii uu helay.

Ra’iisul Wasaaraha Yemen ayaa dhiggiisa Somaliya ugu hambalyeeyay munaasabadda maalmaha xoriyadda dalka ee 26-ka June iyo 1-da Luulyo.

Labada Ra’iisal Wasaare ayaa ka sheekeystay xiriirka qotada dheer ee labada dal, sidoo kalena waxa ay dhiirigeliyeen in horey loo sii wada jaan-qaado.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com