Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inuu ka foggaan doono wax kasta, oo khilaaf ka dhex abuuri kara, isaga iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud.
Inkastoo ay labaduba isku xisbi yihiin ayuu haddana Ra’iisal Wasaaruhu sheegay inay bani’aadam yihiin, khilaaf dhexdooduna uu imaan karo, ha yeeshee uu qabo in wax kasta ay hal dhinac ka noqon doonaan.
“Bashar baan nahay, waan is khilaafi karnaa, aragtiyo kala duwan baana yeelan karnaa Madaxweynaha, laakiin waxaan rumeysanahay inaan heli karno wadiiqo aan ku xalino wax kastoo dhexdayada soo gala.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo VOA la hadlay.
Waxa kaloo uu yiri “Waxaana aaminsanay Ilaahay idinkiis inaan ani iyo Madaxweynahayagu si dhow oo wanaagsan aan u wada shaqayn doono.”
Ra’iisal Wasaare Barre ayaa dhanka kale sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad, taasoo ay dadka Soomaaliyeed u dhan yihiin.
Dowladdan middii ka horreysay ee uu Madaxweynaha ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu soo magacaabay saddex Ra’iisal Wasaare, ka dib markii labadii hore ay is qabteen.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com