Militariga Ruushka ayaa saacadihii la soo dhaafay duqayn xoogan ka gaystay Magaalada Kiev, ka dib in muddo ah oo aanay wax weerar ah ka gaysan magaaladaasi.
Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in illaa 14 gantaal ay ku dhaceen gudaha iyo daafaha magaalada.
Gantaal ayaa ku dhacay dhisme ay dad rayid ah degan yihiin. Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay, afar kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mida gabar toddobo jir ah, taas oo iyada iyo hooyadeed laga soo badbaadiyay burburka hoostiisa.
Duqa Magaalada Kiev, Vitali Klitschko ayaa sheegay in qoyskani ay haystaan dhalashada dalka Ruushka.
Duqa Kiev ayaa Ciidamada Ruushka ku eedeeyay in burbur xoog leh ay ka gaysteen magaaladiisa, tan iyo markii uu duulaanku bilowday.
“Magaaladayada waa la burburiyay, waxaa la dulmiyay laba boqol iyo labaatan dhisme oo dabaqyo dad rayid ahi ay ku nool yihiin.” Ayuu yiri Vitali Klitschko, Duqa Kiev oo intaasi ku daray “Gardaradaasi illaa maanta way socotaa.”
Weerarkan ayaa ku soo aadaya, wax yar uun ka dib, markii Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy uu Reer Galbeedka ka codsaday inay la soo gaaraan gantaalada lidka diyaaradaha.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com