Aadan Madoobe oo la kulmay Guddoonada Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada qaarkood

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada ee Hirshabelle, Galmudug iyo Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo wakiil ka ahaa Guddoonka Baarlamaanka ee Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa looga hadlayay dardargelinta howlaha sharci dejinta iyo sida ugu haboon ay u wada shaqayn karaan Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada iyo kan Heer Federaal.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah, ee ay kaga jiraan Goleyaasha Wakiilada Dowlad Goboleedyada dalka, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay wada shaqayn buuxdo oo dhex marta, si loo helo aqoon kororsi ku aaddan shuruucda golaha sharci dejinta dalka, iyadoo loo ballansan yahay kulan wadajir ah oo la qaban doono maalmaha soo aaddan.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa kulankan ku wehlinayay Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com