NATO oo 300,000 oo askari gaarsiineysa tirada ciidamada ka joogga Bariga Yurub

Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO, Jens Stoltenberg ayaa sheegay inay kordhin doonaan ciidamadooda ku sugan Wadamada Bariga Yurub ee qaybta ka ah NATO.

Xoghayaha ayaa sheegay in Ruushka uu yahay khatarta ugu weyn ee soo wajaheyso amniga xulafada NATO, ayna isu diyaarinayaan, sidii ay kaga hortaggi lahaayeen.

Jens Stoltenberg oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Brussels, ka hor shir madaxeedka NATO ee Talaadada ka furmaya Magaalada Madrid ayaa tibaaxay in xulafada ay xoojin doonto difaaceeda.

“Shir madaxeedkan waxaanu ku xoojin doonnaa difaacayaga, waxaana ku horumarin doonnaa, kuna kordhinaynaa cutubyadeena ku sugan dalalka bari ee Gaashaanbuurta NATO, oo aanu gaarsiin doono illaa heer guuto.” Ayuu yiri Jens Stoltenberg.

Stoltenberg ayaa yiri “Waxaanu sidoo kale horumarin doonnaa Ciidamada NATO ee u diyaarsan ka falcelinta xaaladaha degdegga ah ee soo kordha, waxaana kordhin doonnaa tirada ciidamada heeganka ku jira, oo aanu gaarsiin doono illaa saddex boqol oo kun (300,000) oo askari.”

Stoltenberg ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Waxaan ku kalsoonahay in Madaxweyne Putin uu fahamsan yahay dammaanad-qaadyadayada amniga wadajirka ah, uuna garowsado cawaaqibka ka dhalan kara weerarada dal ay NATO xulafo yihiin.”

Shir madaxeedka NATO ee berrito ka furmaya Madrid ayaa socon doono saddex maalmood, waana shir uu codsaday Jens Stoltenberg, Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO.

Xiisadda Ruushka kala dhaxeyso NATO ayaa cirka isku shareertay, ka dib duulaankii Moscow ee Kiev.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com