Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Xukuumadda oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa waxa uu maanta xilka kala wareegay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xilka kula wareegay munaasabad lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Tani waxay ka dambeysay, ka dib markii Ra’iisal Wasaaruhu uu Sabtidii codka kalsoonida ka helay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa hadda guda gelaya soo xulista iyo magacaabidda Golahiisa Wasiirada cusub.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com