Axmed Madoobe oo kormeeray xeryaha barakacayaasha Dhoobley (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta kormeeray xeryaha barakacayaasha ee ku yaala Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay uu booqasho ku joogay.

Madaxweynaha ayaa u kuurgelayay xaaladda nololeed ee dadka barakacayaasha, si maamulku uu xaaladooda ula wadaago hay’adaha arrimaha samafalka ka shaqeeya.

“Kormeerka Madaxweynaha ayaa daarnaa u kuurgelidda xaaladda ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah, wuxuuna qorshuhu yahay in hay’adaha samafalka iyo cid kasta, oo ay khuseyso loo gudbiyo xaaladda dadkan, si looga jawaabo baahiyahooda.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Jubbaland.

Dadka barakacayaasha ee ku nool xaafadda Danwadaagta ee Dhoobley ayaa isugu jira qaxootigii ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo dad kale oo ku barakacay gudaha dalka, kuwaa oo ay abaartu saameysay.

Qoraalka Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in dadkii ugu dambeeyay ee soo gaaray Dhoobley ay ka soo barakaceen tuulooyin iyo deegaano ka kala tirsan Gobolada Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com