Dowladda Federaalka oo si adag uga jawaabtay eedeyntii Somaliland

Wasiirka Diinta & Awqaafta Somaliya, Cumar Cali Rooble ayaa beeniyay inay Dowladda Federaalka siyaasadeysay arrimaha Xajka, ka dib eedeyntii Somaliland.

Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa Talaadadii sheegay inaanay shacabka reer Somaliland sanadkan ka qaybgeli doonin gudashada waajibaadka Xajka, sababo ku aaddan, iyaga oo aan Dowladda Federaalka ka helin saamigii Xujeydeedu ay xaqa u laheyd, isla-markaana ay Dowladda Federaalka isku darsatay qoondadii labada dhinacba.

Wasiir Rooble ayaa sheegay in arrintan Xajka aan la siyaasadeyn, isla-markaana aan lagu qaybsan hab qabiil iyo mid Maamul Goboleed, toona.

“Waxaan ka maqlayay Wasiirkii Somaliland oo dhahaya Maamulka Muqdisho ayaa wax ku takri-falay, waxaan rabaa ummadda Soomaaliyeed inaan u caddeeyo Maamul Muqdisho, Mayor ay leedahay anigu wakiil kama ihi, masuulna kama ihi, waxna igama khuseeyaan, waxaan ahay Wasiirkii Dowladda Somaliya, arrimaha Xajkana maamulayay oo hoostagayay, Dowladda Sacuudi Carabiyana ay arrintaasi kala hadleysay ayaan ahay.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Arrintaa sida lagu maamulay, haddaan wax yar u soo laabano. Guddi ayay Wasaaradda Diinta & Awqaafta Somaliya u qabatay, guddigaasi guddi madaxbannaan oo howlihiisa u madaxbannaan ayuu ahaa, oo khibradeeda, kartideeda iyo aqoonta arrimaha Xajka uu u leeyahay lagu xushay. Ilaahay fadligiis 309 shirkad ayaa soo dalbaday, shirkadahaas waa la diiwaangeliyay, wareysi ayaa lala yeeshay, mar labaad iyo mar saddexaad. 63 shirkad ayaa ka soo baxday oo wixii Ilaahay u calfay noqotay, qabiil iyo Maamul Goboleedna laguma qaybinin.”

Waxa kaloo uu yiri “5,206 xaaji ayaa Somaliya soo gaartay, shirkadaha ayuu gudidga ay wasaaraddu u cayintay u qaybiyay, qabiil looma fiirinin, midabkooda looma fiirinin, loomana fiirinin dhinac kale. Ummadda Soomaaliyeed waa ummad isku mida, isku xuquuqa, isku midaba, isku luqad ah, isku jinsiyad ah, farqi u dhaxeeyana uusan jirin.”

Wasiir Rooble oo BBC la hadlay ayaa yiri “Waxaan aad iyo aad uga xumahay in la yiraahdo waa la siyaasadeeyay, wax la siyaasadeeyay ma jiraan. Cidda wax siyaasadeynayso, iyadaa siyaasadeynayso.”

Rooble ayaa intaasi raaciyay “Buuqaa markan maqlay waxaan la xiriiray Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland, runtii si xushmad iyo qaddarin leh ayuu iila hadlay. Wuxuu i weydiiyay qoondadii Somaliland loogu talagalay, ma jirto ayaan iri cid qoondo la siiyay, runtiina qabiil, Dowlad Goboleed ama cidna Xajka Somaliya laguma qaybin karo.”