Hoggaamiye-yaasha Wadamada G7 ee warshadaha ku horumaray ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabooyin dheeri ah, si ay uga hortaggaan in Ruushku uu ka faa’iideysto duulaanka uu ku qaaday dalka Ukraine, ka dib shir saddex maalmood socday, oo ay ku yeesheen dalka Jarmalka.
Geba-gebadii shir madaxeedka oo ka dhacay Buuraleyda Bavarian Alps ayuu Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka, Olaf Scholz sheegay in loo baahan yahay in Madaxweyne Vladimir Putin uusan guuleysan, hoggaamiye-yaasha G7-na ay hal mowqif yeelan doonaan, mustaqbalka fog.
Hoggaamiyaha Jarmalka ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan qiimaha tamarka oo cirka isku sii shareeraya, kaas oo ka dhashay duulaankii Moscow ee Kiev, waxaana uu keenay buu yiri xasillooni darro.
Madaxda G7 ayaa sheegaya ku dhawaad shan bilyan oo lacagta Mareykanka ah in lagu bixin doono wax ka qabashada gaajada ka jirta caalamka, oo la fahamsan yahay inay uga sii dartay gulufka ay Militariga Ruushka ka wadaan dalkaasi Ukraine.
Hoggaamiye-yaasha G7 ayaa garab istaag u muujiyay Ukraine, iyagoona wada qorshe ay tahay in xayiraado dheeri ah loogu soo roggo Ruushka.
Xiisadda Reer Galbeedka iyo Ruushka ayaa meel adag gaartay, markii Ciidamada Ruushka ay ka gudbeen xadka Ukraine.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com