Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka warbixiyay xaaladiisa caafimaad (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre ayaa u jeediyay shacabka Soomaaliyeed farriin ku saabsan xaaladdiisa caafimaad, waxa uuna uga mahadceliyay ducada iyo dareenka ay u muujiyeen muddadii uu u hoggaansanaa habraaca iyo talooyinka bahda caafimaadka ee COVID-19.

Madaxweynaha ayaa sheegay in baaritaannada caafimaad ee la xiriira COVID-19 ee laga qaaday ay muujinayaan in laga waayay, sidaas awgeedna uu dib u fariisan doono xafiiska, si uu u dardargeliyo shaqada qaranka.

“Muddo 5 maalmood ah oo aan u hoggaansanaa habraacyada iyo talooyinka bahda caafimaadka ee la xiriira COVID-19, waxaan shalay iyo maantaba maray baaritaankii ugu dambeeyay, kaas oo natiijadiisu ay noqotay in la iga waayey COVID-19, sidaas awgeedna, waxaan dib ugu hawlgalayaa xafiiska, si aan u sii dardargeliyo shaqadii qaran ee aad ii wakiilateyn.”

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadaha toddobaadka xorriyadda dalka, waxa uuna ku booriyay in ay dhexda u xirtaan, sidii ay u samata-bixin lahaayeen dadkeenna dhibaateysan ee ay abaaruhu sameeyeen.

“Waxaan mar kale ugu hambalyeynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed toddobaadka xorriyadda oo aynu ku guda jirno, anigoo ka codsanaya in ay is caawiyaan, si gaar ahna u xoojiyaan gacansiinta iyo taakuleynta dadkeenna ku dhibaateysan abaaraha.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisal Wasaare Barre kalsoonida uu ka helay Baarlamaanka Federaalka iyo in uu la wareegay xilka Ra’iisal Wasaarenimo, waxa ayna wadajir u kormeereyn Madaxtooyada Qaranka, gaar ahaan qaybaha jimicsiga iyo beeraha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com