Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Cilmi Cali Cabdi, Duqa Magaalada Dhuusamareeb, Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow), Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa tan iyo 8-dii bishii June ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isaga oo kaga qaybgalay munaasabadda caleema saarka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Qoorqoor ayaa saqda dhexe ee caawa Madaxtooyada Dhuusamareeb kaga qaybgelaya munaasabadda 1-da Luulyo, oo ku beegan markii Gobolada Koonfureed ay ka xoroobeen gumeystihii caddaa ee Talyaaniga iyo israacii Gobolada Koonfurta & Waqooyiga Somaliya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com