Axmed Madoobe oo Dhoobley ku qaabilay wakiilada hay’adaha ka hawlgala Jubbaland (SAWIRRO)

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland oo ku sugan Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa la kulmay wakiilada hay’adaha ka hawlgala deegaanada Jubbaland.

“Kulankan waxaa diiradda lagu saarayay, sidii hay’adaha ka hawlagala guud ahaan Jubbaland ay gacan uga gaysan lahaayeen taakuleynta dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaanada Jubbaland, iyadoo oo la faray hay’adaha in degmooyinka cusub ee Jubbaland ku soo kordhay, sida Buurdhuubo iyo Dhoobley ay gaarsiiyaan mashariicyada horumarineed iyo adeegyada aasaasiga ah.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Warka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ayaa sidoo kale u sheegay wakiilada hay’adaha in muhiimada ugu weyn ee kulankiisa uu yahay, sidii muhiimad gaar ah loo siin lahaa dhallinyarada wax ku baratay gudaha Jubbaland, marka ay timaado shaqaaleysiinta.

Wakiilada hay’adaha ayaa soo gudbiyay qorsheyaal lagu caawin karo dadka ku barakacay gudaha deegaanada Jubbaland, iyagoo sheegay in door weyn ay ka qaadan doonaan, sidii fursadaha shaqo ee jiro looga fa’iideyn lahaa dhallinyarada wax ku baratay deegaanada Jubbaland.”

Madaxweynaha ayaa waxaa kulankan ku wehlinayay Wasiirka Amniga, General Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta, Eng. Ismaciil Axmed Garas iyo Gudoomiyaha Degmada Dhoobley, Siyaad Muxumed Xasan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com