Danjire Tarsan “Somaliya iyo Kenya waxay leeyihiin hal cadow”

Safiirka Somaliya ee Kenya, Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in Somaliya iyo Kenya ay leeyihiin hal cadow, oo uu ugala jeedo Ururka Al Shabaab.

Danjiraha oo ka hadlayay munaasabad Jimcihii lagu qabtay Xarunta Safaaradda ee Magaalada Nairobi, laguna xusayay 62 guurada ka soo wareegatay, markii Gobolada Koonfurta ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii Waqooyiga & Koonfurta Somaliya ayaa soo hadalqaaday xiriirka labada dal, waxaana uu sheegay in xiriirkoodu uu muhim u yahay dalba dalka kale.

“Dowladda Kenya aan deriska nahay waxaan nahay laba dowladood, oo aan kala maarmi karin, waxaana leenahay xuduud dheer. Dad badan oo Soomaali ah ayaa halkan uga shaqeysta si nabad oo xasillooni ah oo ay raali ka yihiin, oo Dowladda Kenya iyo masuuliyiintooda ay ku dhiirigeliyeen. Sidaasi awgeed dadka Soomaaliyeed aad bay waxay ugu baahan yihiin inaan xoojino xiriirka Somaliya iyo Kenya ka dhaxeeya.” Ayuu yiri Danjiraha Somaliya ee dalka Kenya.

Waxa kaloo uu yiri “Xiriirka Somaliya iyo Kenya ka dhaxeeya waa muhiim, anagana muhiim buu noo yahay, ayagana muhiim buu u yahay. Sidaasi darteed labadeenuba ma kala maarano, mid goonidiisa u taagnaan karana ma jiro.”

Danjiraha ayaa yiri “Waxaa naga dhaxeeya anagga iyo Kenya cadow mid ah, cadowgaas oo ah Shabaab. Shabaab oo dhibaato ku ah xasilloonida iyo deganaanshaha wadanka Kenya iyo wadankeenaba, labadeenaba xasilloonideena dhibaato ku ah iyo amnigeena iyo horumarkeenaba.”

Danjire Tarsan ayaa intaasi ku daray “Haddaan gacmaha is qabsano anagga iyo Kenya, shaki kuma jiro inaan ka adkaan karno, oo aan jebin karno Shabaab, ka bacdina aan u jeedsan karno amaba inaan awoodeena u jeedin karno in aan u jeedsano, sidii aan wadamadeena dhaqaalihiisa u dhisa lahayn, una hagaajin lahayn.”

Safiirada iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi ayaa Somaliya ugu hambalyeeyay 62 sano guurada ka soo wareegatay, markii ay madaxbannaanideeda heshay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com