Fannaanaddii caanka ahayd Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Magaalada Hargeysa

Allah ha u naxariistee fannaanaddii caanka ahayd ee Soomaaliyeed, Khadra Daahir Cige ayaa caawa ku geeriyootay isbitaal ku yaala Magaalada Hargeysa.

Khadra Daahir Cige ayaa muddooyinkii u dambeysay ku xanuunsaneysay Magaalada Hargeysa.

Khadra Daahir oo xubin ka ahayd Hobolada Qaranka ee Waaberi ayaa fanka Soomaalida ku soo biirtay sanadkii 1974, waxayna muddo dheer ka mid ahayd fannaaniinta Soomaalida, kuwooda loogu jecelyahay.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Khadra Daahir.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa qoraal ku sheegay “Waxaan murugada la qaybsanayaa qoyska, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday fannaanadii Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa qoyskii ay ka geeriyootay iyo bahda fanka.

Marxuumaddu waxa ay kaalin muuqata oo micno leh ka soo qaadatay horumarinta dhaqanka, wacyigelinta bulshada iyo fanka Soomaaliyeed oo ay ka mid ahayd fannaaniinta loogu jecel yahay.

Waxaan Marxuumadda Eebbe uga baryayaa in uu Jannadii Fardows ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxdayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com