Kenya oo sheegtay inay ciidamadeedu dileen 10 ka mida dagaal-yahanada Al Shabaab

Taliska Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ayaa sheegay in hawlgal Jimcihii laga sameeyay Kaymaha Boni ee Gobolka Xeebta lagu dilay 10 ka mida maleeshiyada Al Shabaab.

in 10 nin oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab lagu dilay, hawlgal ay ciidamadu Jimcihii ka sameeyeen Kaymaha Boni ee Gobolka Xeebta Kenya.

Taliska ayaa qoraal ku sheegay in hawlgalku uu ka dhacay, inta u dhaxeyso deegaanada Sarira iyo Kolbio oo xuduudda dhaca.

Taliska KDF ayaa sheegaya in xubnaha la dilay ay ka tirsanaayeen Xoogaga Jaysh Ayman, ee uu hoggaamiyo Macalin Ayman, oo loo garan ogyahay Cabdicasiis Dhuubow. Guutada Jaysh Ayman waa garab ka tirsan Shabaab oo weeraro ka gaysata Kenya.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in dhowr kale oo Shabaab ah ay goobta ka baxsadeen, iyagoo dhaawacyo qaba.

Taliska ayaa qoraalkooda ku sheegay in hawlgalka lagu soo qabtay hub iyo rasaas fara-badan, oo Shabaabku lahaayeen.

KDF ayaa sheegtay ciidamadeeda oo gacan ka helaya laamaha amniga iyo dadka deegaanka inay sii wadi doonaan hawlgalka ka socda xadka Kenya iyo Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com