Laba Wariye oo laga sii daayay Jeelka Weyn ee Hargeysa

Somaliland ayaa duhurnimadii maanta xabsiga ka sii deysay laba Wariye, oo tan iyo 13-kii bishii April ku xirnaa Magaalada Hargeysa.

Wariye Maxamed Cabdi Ilig iyo Wariye Cabdijabaar Maxamed Xuseen ayaa dib u helay xoriyadooda, ka dib markii laga sii daayay Jeelka Weyn ee Hargeysa.

Wariye-yaashan iyo kuwo kale oo horaan xabsiga laga sii daayay ayaa ku eedeysnaa inay si aan sax ahayn u tebiyeen isku dhac xilligaasi Jeelka Hargeysa ku dhex maray Ilaalada Xabsiga iyo maxaabiista qaarkood.

Labadan Wariye ayaa lagu sii daayay cafis uu Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi u fidiyay.

Labaduba waxa ay soo dhaweeyeen tallaabada ay dib xoriyadooda ugu heleen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com