Askari ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda ayaa xalay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ku dilay nin ka tirsanaa Amniyaadka Ururka Al Shabaab, kaas oo bastoolad ku hubeysnaa.
Ninkan ayaa askariga iyo nin shacab ah oo la socday ku weeraray agagaarka Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom, isagoona rasaas la dhacay askariga iyo ninkii kale ee la socday.
Korney Aadan Axmed Xirsi (Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ninkaasi uu isku dayay in uu qoriga ka qaato askariga, isaga oo moodayay in uu dhintay, balse askariga oo dhaawac ahaa ay u suurtagashay in ninkaasi uu madaxa ka toogto.
“Nimanka cadowga ah waxay u barteen markay askarta dilaan inay hubka ka qaataan, askarigaanse ma dhiman oo dhaawac buu ahaa, markaas buuna damcay inuu qorigii ka qaato, markuu soo foorarsaday-na xabad buu madaxa uga dhuftay.” Ayuu yiri Aadan Rufle oo Universaltv la hadlay.
“Askariga iyo qofkii la socdayba isbitaalka ayaa loo qaaday, kii cadowgana hay’adihii amniga ee ku shaqada lahaa baa meydkaasi goobta ka qaaday.” Ayuu sii raaciyay Rufle.
Rufle ayaa xusay inaanay jirin cid kale oo ninkaasi la socotay, xilligii uu isku dayga dilka gaysanayay.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com