Aadan Madoobe iyo Ex RW Rooble oo u ambabaxay dalka Sacuudiga

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Xuseen Rooble ayaa u ambabaxay dalka Sacuudiga, si ay u soo gutaan acmaasha Xajka.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka ayaa qayb ka ah wafdiga uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, oo gelinkii dambe ee maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal lagu daabacay bogga Golaha Shacabka ayaa lagu yiri “Wafdiga uu hogaaminaayo Gudoomiyaha oo ay ugu horreeyaan Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar ka mid ah Wasiirada Xilgaarsiinta ayaa ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay jooggaan kula dardaamay in dalka iyo dadka loo duceeyo, si uu Allah uga samatabixiyo abaarahan soo noqnoqday.

Gudoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laabta isku furaan, si loo helo midnimo iyo wadajir.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com