Ergeyga Gaarka ee Arrimaha Bani’aadanimada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Ergeyga oo ay wehlinayeen Danjiraha Qatar ee Somaliya, Hamsa bin Hassan iyo xubno kale oo ka tirsan hay’adda samafalka dalkaasi ee Al-Khayriya ayaa kormeeray xeryaha barakacayaasha ee degmadaasi, iyagoona gargaar gaarsiiyay qoysaska barkacayaasha.
“Waxaan maanta booqasho ku tagnay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay abaaruhu saameeyeen, gaar ahaan dadka ka soo barakacay deegaanada kale ee ku dhow degmadaasi. Ugu yaraan 28,000 oo qoys oo barakacayaal ah ayaa ku jira 21 xero oo kala duwan, iyadoo gargaar aad u yar ay heleen, waxaana socdaalkayga igu wehlinayay xubno ka mid ah guddiga heer qaran ee gurmadka abaaraha, Safiirka Dowladda Qatar iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Hay’adda Al-Khayriya Qatar.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri “Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Safiirka Dowladda Qatar iyo Hay’adda Qatar ee Al Khayriya oo maanta bilowgii u fidiyay gargaarka dadka danyarta ah. Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo walaalaheen Carbeed in ay u gurmadaan dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.”
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaasi ku daray “Waxaan taggi doonnaa deegaano badan oo dal oo dhan ah oo abaartu ay saameysay, meel ay abaartu dhaaftay ma jirto. Dad badan oo ila soo xiriiray way jiraan, anagu ujeedkeenu wuxuu yahay inaan adduunka u qaylo dhaamino.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com