Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabada ay ciidamadiisa kula wareegeen Gobolka Luhansk ee dalkaasi Ukraine.
Madaxweynaha Ruushka oo ka soo muuqday Telefishinka Qaranka ayaa bogaadiyay Ciidamada Militariga ee qabtay Magaalada Lysychansk, oo ah magaaladii ugu dambeysay ee ay Ciidamada Ukraine kaga sugnaayeen gobolkaasi.
“Ciidamadii ka qayb qaatay hawlgalka lagu qabtay Lysychansk ee guusha weyn ka gaaray waa inay taasi dhiirigelin wanaagsan u noqotaa, ayna xoojiso firfircoonidooda iyo awoodooda.” Ayuu yiri Madaxweyne Putin.
Madaxweyne Putin ayaa Wasiirkiisa Gaashaandhigga, Sergei Shoigu ku amray in uu dardargeliyo gulufka ay horaan qorsheysay Moscow.
“Ciidamada ku sugan bariga iyo galbeedka waa inay fuliyaan howlahooda, si waafaqsan qorsheyaashii hore ee la dejiyay.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray “Waxaan rajeynaynaa inay wax walba u dhacaan, si la mid ah wixii ka dhacay Gobolka Luhansk.”
Moscow ayaa kol hore wax ka bedeshay taatikadeedii dagaalka, ka dib markii ciidamadeeda ay foodda gelin waayeen Caasimadda Kiev, waxayna gulufkeedii u weecisay Bariga Donbas, iyadoona aad mooddo in qorshaheedii dambe uu haatan shaqeynayo.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com