Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Midowga Yurub ee dalka, Tiina Intelmann.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Dowladda Somaliya, iyadoo lagu saleynayo howlaha hortebinta u leh dowladda, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiskiisa Ra’iisal Wasaaraha.
“Ra’iisal Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya, Tiina Intelmann, oo uu kala hadlay xoojinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Dowladda Somaliya, iyadoo lagu saleynayo howlaha hortebinta u leh dowladda.” Ayaa lagu yiri warka.
Tiina Intelmann, Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay “Waxaan rajeynaynaa wada shaqayn dhow oo aan yeelano xukuumadda cusub.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com