Dowladda Ukraine ayaa xaqiijisay in si buuxdo loogala wareegay gacan ku haynta gobolka bariga dalkaasi ku yaala ee Luhansk, ka dib markii Moscow ay sheegtay inay qabsatay gobolkaasi.
Xukuumadda Kiev ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay isaga soo baxeen Magaalada Lysychansk, oo ah magaaladii ugu dambeysay ee ay gobolkaasi kaga sugnaayeen.
Gudoomiyaha Gobolka Luhansk, Serhiy Haidai ayaa sheegay in Ciidamada Ukraine ay si nabdoon uga soo baxeen magaaladaasi, ka dib amar ay ka heleen taliska sare. Gudoomiyaha ayaa beeniyay inay jiraan qaar ka mida ciidamadooda oo lagu go’doomiyay magaaladaasi.
Ciidamada Militariga Ruushka ayaa haatan u ruqaansanaya galbeedka dalkaasi, waana wejiga xigga ay Moscow ku dooneyso inay ku qabsato deegaanada galbeed.
Serhiy Haidai ayaase sheegaya in ciidamadooda ay sameysanayaan dhufeysyo, ay tahay inay kaga hortaggaan gulufka abaabulan ee Moscow.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com