Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku joogga dalka Turkiga ayaa maanta kormeeray Xarunta Safaaradda Somaliya ee Magaalada Ankara.
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay diblomaasiyiinta iyo howlwadeennada Safaaradda, waxa uuna ku adkeeyay in ay si hufan ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee ay metelaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan dib u habaynta iyo horumarinta hannaanka diblomaasiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta metelaad dibadeed, oo ku saleysan Soomaali Heshiis ah, dunidana heshiis la ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in berrito uu Caasimadda Ankara kula kulmo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com