Korneyl Rufle oo si adag uga hadlay Ciidanka Danab ee shacabka ku dilay deegaanka Qudus

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa si kulul uga hadlay hawlgal la sheegay inay dhawaan Ciidanka Danab qaybtood ku gubeen guryo ku yaala deegaanka Qudus ee Gobolka Jubbada Hoose.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi ayaa hawlgalkan ku sheegay mid reer gaar ahi lagu beegsanayay, taasoo sida uu sheegay lagu kala fogeynayo beelo walaalo ah oo wada dhashay.

Sidoo kale waxa uu saluug ka muujiyay baaritaanka ay Saraakiisha Jubbaland qaarkood ku sheegeen in lagu samayn doono, wixii ka dhacay deegaankaasi.

“Laba reer, reer-na reer kale uma dowladeeyo, waxaa wax baaro wax la wada leeyahay, marka koobaad waa in saas loo fahmaa. Nimanka beesha ah ee degan Afmadow oo kaashanaya Ciidamada Kenya waxay wadaan wax ay ku kala fogeynayaan dad shacab ahoo Soomaaliyeed oo walaalo ah.” Ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle.

Isaga oo Warbaahinta la hadlayay ayuu yiri “Waxaan rabaa inaan caddeeyo ciidankii Qudus gubay, shacabkana laayay beel buu ahaa, beelaha Soomaaliyeed ka mid ah. Ciidan Danab la yiraahdo oo ka jira Gobolka Jubbada Hoose ama Kismaayo jooggo ma jiro, ee maleeshiyo beeleed weeye.”

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan doonayaa inaan cod dheer ku sheego, haddii ay jirto dowlad Soomaaliyeed, oo hub iyo dhaqaalaba ku siiso ciidan Danab la yiraahdo oo qaranku leeyahay, inay ka fiirsadaan maleeshiyo beeleed oo beelo gaar ah beegsaneyso weeye, waxa mushaarka, hubka iyo qalabkaba lagu siiyo.”

Aadan Rufle ayaa yiri “Marka laga reebo Dowladda Kenya oo dalka ku soo duushay oo dhul boob ugu soo duushay ciidda Somaliya iyo calanka buluugga ah, dowlado caalami ah oo dhaqaale ku siiyo ayaa jiro. Waxaan leeyahay waxaad ka qayb qaadateen in la laayo shacab Soomaaliyeed, welibana in si gaar ah loo beegsado heyb gooniya, waxaadna waqti, dhaqaale iyo tababarba ku bixiseen inaad qabiil ku gacmo qabataan, qabiil kalena in deegaanadiisa la gubo, gabdhihiisa la kufsado, raggiisana la afduubto, xabsiyo gaar ahna la gaysto.”

Aadan Rufle ayaa yiri “Marka laga soo taggo dadkii lagu laayay Qudus, shan nin baa hadda u afduuban oo laba ka mida ay dhaawac tahay, mana sheegi karno inay dhinteen iyo inay nool yihiin, waxaana cambaareynaynaa dhammaan ficilada foosha xun ee lagu kala fogeynayo beelaha wada dhashay, oo xooluhu u wada daaqayaan.”

Korneyl Rufle ayaa Mareykanka ugu baaqay inuu ka fiirsado taageerada uu siiyo maleeshiyadaasi, oo hubkii Shabaab lagula dagaalami lahaa u adeegsanaya sida uu yiri inay shacabka ku kala fogeeyaan.

“Mareykanka waxaan leenahay haka fiirsado taageerada dhaqaale iyo midda qalabka ahba ee uu siiyo maleeshiyadaasi, oo qalabkii ay kula dagaalami lahaayeen argagixisada Al Shabaab ku kala fogeynaya qabaa’iladii wada dhashay ee walaalaha ahaa. Taasi waxay keeni kartaa naceyb ay shacabku u qaadaan Dowladda Mareykanka, oo ah dowlad weyn. Haka fiirsataa leenahay taageerada ay siineyso maleeshiyada Axmed Madoobe.” Ayuu yiri Rufle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com