Madaxweynaha Somaliya oo si heer sare loogu soo dhaweeyay Madaxtooyada Turkiga (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn milgo sare leh loogu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Turkiga ee Magaalada Ankara.

Madaxweynaha ayaa waxa uu halkaasi salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Turkiga, waxaana loo riday 21 madfac.

Madaxweynaha waxa uu hadda ka qaybgalayaa kulan isaga iyo dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan uga socda Xarunta Madaxtooyada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com