Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Xarunta Madaxtooyada Turkiga ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Turkiga ay garab istaag iyo taageero buuxa u muujisay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, xilli ay la daala-dhacayeen xaalad adag, iyaga oo u soo gurmaday waqtigii ay ugu baahida badnaayeen.
“Waxaan uga mahadcelinyaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan casuumaaddii uu ii fidiyey, kulankii aan wada qaadanay waxa uu ahaa mid miro-dhal ah, kaas oo aan diiradda ku saarnay xoojinta xiriirka iskaashi iyo danaha labada dal. Waxaan si gaar ah isu dul taagnay kaalinta Turkiga ee gurmadka abaaraha, horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka iyo waxbarashada.”
Madaxweyanha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay dhiggiisa Turkiga kalgacalka ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan dowladda iyo walaalahooda Turkiga iyo weliba abaalka ay uga hayaan taageeradooda hagar la’aanta ah.
“Waxaan la wadaagay abaalka ay u hayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed walaalahooda Turkiga oo markasta la garab taagan hiil buuxda”.
Dhinaca kale Dowladda Turkiga waxa ay ballanqaaday in dhawaan Safaaradda Somaliya ee Ankara ay degi doonto guri ay iyadu leedahay, xilli markii hore ay ku jirtay mid kiro ah. Sidoo kale labada dowladood waxa ay dhawaan kala saxiixan doonaan heshiisyo ganacsi, halka la sii xoojin doono iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Dowladda Turkiga ay door muhiim ah ka qaadato xoojinta amniga, tababarada, tayeynta Ciidanka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka argagixisada.
“Kulankii aan wada qaadannay aniga iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxaan isla garanay in la xoojiyo xiriirka iskaashi ee labada dal iyo wax wada-qabsiga, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo dhaqanka, Somaliya waxa ay Turkiga u aragtaa jaal iyo saaxib miisaan leh oo ay kalsooni ku qabaan shacabka Soomaaliyeed.”
Dhankiisa, Madaxweyne Erdogan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa aqbalaadda casuumaadii uu u fidiyay, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in dowladdiisa ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, xoojinta heshiisyada ganacsiga iyo maalgashiga ka dhaxeeya labada dhinac.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com