Ra’iisal Wasaare Barre oo la kulmay Safiirka Sacuudiga ee dalka (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee dalka, Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah.

Danjire Al-Muwallad ayaa Ra’iisal Wasaaraha ugu hambalyeeyay xilkiisa, isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha horyaalla, isagoo muujiyay sida Dowladda Sacuudigu u garab taagan tahay Somaliya.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sacuudiga taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. 

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com