Ruushka oo bilaabay weerarka uu doonayo in uu kula wareego Gobolka Donetsk

Ka dib markii Ciidanka Militariga Ruushka ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Gobolka Luhansk ayay Moscow bilowday hawlgalkeedii ay ku dooneysay in ay kula wareegto Gobolka Donestk.

Militariga Ruushka ayaa Talaadadii duqayn ay dad rayid ahi ku dhinteen ka gaystay Magaalada Sloviansk, sida uu sheegay duqa magaaladaasi, Vadim Lyakh.

“Moscow waxay bilowday weerarada Gobolka Donestk, ka dib markii ay ciidamadeeda ku guuleysteen la wareegidda gobolka deriska la ah ee Luhansk.” Ayuu yiri Vadim Lyakh.

Gudoomiyaha Gobolka Donetsk, Pavlo Kyrylenko ayaa sheegay in laba qof ay ku dhinteen duqayntaasi, toddobo kalena ay ku dhaawacantay.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegaya inay filayaan in Moscow ay kordhiso weerarada ay ka gaysaneyso magaaladaasi iyo guud ahaanba gobolka.

Vadim Lyakh, Duqa Magaalada Sloviansk ayaa ku baaqay in dadka rayidka ah laga daadgureeyo magaalada, kuwooda duqaymaha wajahayana ay gabaad ka dhigtaan dhismooyinka.

Ka hor duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalkaasi ayaa waxaa magaaladan ku noollaa in ka badan boqol kun oo qof.

Sloviansk ayaa noqoneyso furintii ugu dambeysay ee dagaalka uu ku fido.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa Isniintii ciidamadiisa ku sugan bariga iyo galbeedka dalkaasi faray inay fuliyaan howlahooda, si waafaqsan buu yiri qorsheyaashii hore ee la dejiyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com