Saraakiisha Ukraine ayaa dadka rayidka ah ka daadgureynaya Magaalada Sloviansk ee Gobolka Donetsk, iyadoo Ciidamada Ruushka ay ku sii siqayaan.
Gudoomiyaha Gobolka Donetsk, Pavlo Kyrylenko ayaa shacabka ku booriyay inay ka cararaan duqaymaha diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo ciidanka dhanka dhulka kaga soo siqaya magaaladaasi.
“Ruushka waxa uu Gobolka Donetsk oo dhan ka dhigay meel halis u ah dadka rayidka.” Ayuu Gudoomiyuhu ku sheegay bartiisa Telegram-ka, waxa uuna intaasi ku daray “Waxaan ugu baaqayaa qof walba inuu ka guuro magaalada, daadgureyntu waxay badbaadisaa nolosha.”
Militariga Ruushka ayaa la sheegay inay dhanka galbeed kaga soo siqayaan magaalada, iyadoo yoolkooda ugu weyna uu yahay, sidii ay dowladda dalkaasi ugala wareegi lahaayeen.
Donetsk waa gobolka keliya ee bariga dalkaasi ku yaala, ee ku haray gacanta Dowladda Ukraine.
Sloviansk ayaa fure u ah qorshaha Ruushku uu damacsan yahay in uu kula wareego gacan ku haynta gobolkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com