Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ku joogay dalka Turkiga ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna xusuusiyay xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaan qoys oo Soomaali ah, ayna mudan yihiin farxadda ciidda in ay la qeybsadaan dadkooda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka xajka, Alle uga baryay in uu ka aqbalo acmaashooda suuban ayaa ku booriyay dhammaan shacabka in ay maalmahaan badiyaan ducada iyo Alle bariga, istaakuleynta iyo ka warqabka dadka danyarta ah, taas oo ka mid ah acmaasha ugu khayr badan.

Safarka Madaxweynaha ee dalka Turkiga ayaa ku qotomay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, tababarada ciidamda, iyadoo Madaxweynuhu uu u kuurgalay xaaladda ee ardayda, ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com