Ka dib markii ganacsatada Somaliland ay ku dhawaaqeen inay joojinayaan qaadka dalka Itoobiya, sababo ku aaddan qiimaha qaadka oo lagu qaaliyeeyay ayay Dowladda Itoobiya wafdi u soo dirtay Somaliland.
Wafdigan ayaa intii ay jooggeen Magaalada Hargeysa waxa ay kula kulmeen Madaxda Somaliland. Labada dhinac ayaana ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac, gaar ahaan arrimaha ganacsiga iyo isu socodka labada dhinac.
Geba-gabadii kulankaasi ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Ciise Kayd Maxamuud, kaasoo ka warbixiyay waxyaabihii ay labada dhinac ka wada hadleen, isla-markaana ay kala saxiixdeen.
“Waxaanu ku heshiinay qodobada soo socda, 1: Somaliland iyo Itoobiya waxay aqoonsadeen ahmiyadda ay leedahay xiriirkii dheeraa ee soo jireenka ahaa ee labada dhinac ka dhaxeeyay. 2: In maanta oo bisha July 7 tahay, sanadka 2022 in dib loogu celiyo qiimihii qaadka iyo khudaarta ee horey loo dejiyay inay ku noqoto sidii hore ay ahaan jirtay. 3: In la sameeyo guddi farsamo ka hortagta dhibaatooyinkaasi oo kale, sameysaana daraasaad ka hortagaya si loogu helo xal. 4: Labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in la sii wado heshiisyadii, si loo dhammeeyo sidii dhinaca beecmushtarka, gaadiidka, isu socodka iyo horumarinta Dekedda Berbera oo ku saleysan heshiisyo hore ama wada hadalo horey u dhacay in halkaa laga sii wado, wada hadaladii.” Ayuu yiri Wasiirku.
Wafdigan ayaa Arbacadii soo gaaray Magaalada Hargeysa, xilli ay ku ekeyd muddada ay ganacsatadu sheegeen inay ku joojinayaan qaadka laga keeno dalkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com