Wararkii ugu dambeeyay dadweyne careysan oo bannaanbax ka dhigay Beled Xaawo

Dadweyne careysan ayaa maanta bannaanbax ka dhigay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, kuwaa oo dab qabadsiiyay Xarunta Maamulka Degmada iyo gawaari halkaasi tiilay.

Dadweynaha ayaa ka careysan dhallinyaro la sheegay in maalin ka hor ay xabsiga u taxaabtay Hay’adda Nabad Sugidda, iyadoo mid ka midana la sheegay in la jirdilay. Dhallinyaradan ayaa tiradooda lagu sheegay saddex xubnood oo lala xiriiriyay Ururka Al Shabaab.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Gedo, Maxamed Cali Diini oo ka hadlay sida uu bannaanbaxa ku bilowday ayaa yiri “Dadka bannaanbaxa dhigaya waxaa laga yaabaa inay ka mudaaharaadayeen dhacdo shalay dhacday, oo lagu soo xirxiray qolooyin nabadiidka lagu eedeeyay, qaybta baarista wax la xiriira ayuu ka bilowday. Marka qof baa waxay dhaheen waxaa lagu sameeyay jirdil, waxaana u sheegnay in qofkii isbitaal loo qaaday oo la dabiibayo, qofkii u gaystayna uu xiran yahay.”

Isaga oo BBC la hadlayay ayuu yiri “Qofka jirdilka lagu sameeyay wuxuu ahaa qof Shabaab ahaan lagu soo xiray, oo inuu ka tirsan yahay lagu soo eedeeyay.”

Waxa uu intaasi ku daray “Dadka mudaaharaad ayay bilaabeen, meelaha qaarkood waa gubeen, boorarkii iyo sawirradii ayay meesha ka qaateen.”

Nabadoon Maxamed Cabdikariin Sheekh Yuusuf oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Beled Xaawo ayaa si adag u beeniyay in raggaasi ay ka tirsan yihiin Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacantay rabshadaha maanta ka dhacay degmada ku taala xuduudda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com