Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka ugu hambalyeeyay maalmaha barakaysan ee Ciidda Carafo, oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh diinteenna Islaamka.
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka in uu ka aqbalo acmaasha suuban, isagoo ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay badiyaan maalmahan barakaysan, ducada iyo Alle bariga ku aaddan horumarka dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay, sida uu uga murageysan yahay xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumanaanka qoys, kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay farxadda ciidda la qaybsadaan dadkooda dhibaateysan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay in sanadkan kan xigga ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isaga oo kula dardaarmay in ay gacmaha is qabsadaan, qalbiyadana isu furaan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com