Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan, Shinzo Abe ayaa maanta lagula cararay goobaha caafimaadka, ka dib markii la toogtay, isagoo khudbad ka jeedinaya Magaalada Nara ee dalkaasi Japan.
Shinzo Abe ayaa la toogtay laba jeer, iyadoo xabadda labaad ay kaga dhacday dhabarka, taasoo keentay inuu dhulka ku dhaco, isla-markaana uu miir daboolmo.
Warbaahinta dalkaasi ayaa ku warantay in la xiray nin la tuhunsan yahay inuu falkaasi gaystay.
Barasaabkii hore ee Tokyo, Yoichi Masuzoe ayaa xaaladda Abe ku sheegay mid garaab ah.
Xoghayaha Golaha Wasiirada, Hirokazu Matsuno ayaa sidoo kale xaaladda Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalkaasi ku qeexay mid aan la ogayn waxa ay ku dambayn doonto.
“Si kastaba ha-ahaatee falkaasi wuxuushnimada ah marnaba looma dulqaadan karo, si adagna waan u cambaareynaynaa.” Ayuu yiri Hirokazu Matsuno.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ay arkayn nin ku hubeysan qori oo rasaas ka soo ridaaya gadaal. Waxay kaloo sheegeen in xabaddii ugu horeysay ay hareer martay Abe, balse middii labaad ay dhabarka kaga dhacday.
Ciidamada amniga ayaa xiray ninka looga shakisan yahay inuu falkaasi gaystay, kaa oo aan isku dayin inuu baxsado.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com