Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Eritrea, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeelan doona wada hadalo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafa guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah, kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Somaliya la leedahay caalamka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com