Magaalooyinka Soomaalida oo maanta si isku mida looga wada ciidayo

Geyiga Soomaalida ayaa maanta laga ciidayaa maalinta 1aad ee Ciidul Adxa, si lamid ah dunida Muslimka iyo wadamada kale ee ay Muslimiintu ku nool yihiin.

Ciidul Adxa waa ciidda labaad ee Islaamka uu leeyahay, waxayna geba-gabo u tahay gudashada waajibaadka Xajka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyay maalmaha barakaysan ee Ciidda Carafo.

Sidoo kale deegaanada uu Ururka Al Shabaab ka arrmiyo ayaa Sabtidan laga ciidayaa.

Dadweynaha ayaa saaka Salaadda Ciidda ku tukaday Masaajidda iyo fagaareyaasha kale ee loo asteeyay in Salaadda lagu ooggo.

Dhulka Soomaalida ayaa maanta oo kale si weyn looga dareemaa inay ciid tahay, waxaana xaafadaha iyo goobaha carruurta lagu ciyaarsiiyo aad ku arkaysaa waalidiin badan oo ubadkooda la qaybsanaya farxadda iyo dabaaldegga ciidda.

Ciidda Carafo ee sanadkan ayaa ku soo aadaysa, si ka duwan labadii sano ee la soo dhaafay, oo dunida uu halakeeyay cudurka safmarka ah ee COVID-19, kaas oo caqabad ku noqday isu socodkii dadka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com