Koonfur Afrika, shan iyo toban qof oo toogasho lagu dilay

Toogashada ayaa ka dhacday baar xilliyada habeenkii lagu caweeyo oo ku yaala deegaanka Orlando East ee Magaalada Soweto ee Gobolka Gauteng.

Booliska ayaa sheegay in weerarka uu dhacay saqdii dhexe ee xalay, ka dib markii dabley hubeysan ay gudaha u galeen baarkaasi, ka dibna ay rasaas ku harqiyeen dadkii ku sugnaa goobta.

Dhowr qof oo kale oo dhaawacyo halis ah ay soo gaareen ayaa xaaladooda lagula tacaalaya goobaha caafimaadka.

Dableyda ayay u suurtagashay inay goobtaasi kaga baxsadaan gaari kuwo yar yar ah, mana cadda ujeedada ka dambeysa weerarkaasi.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Gauteng, General Elias Mawela ayaa sheegay in dembiile-yaasha ay bartilmaameedsadeen dad aan waxba galabsan.

Dhibaneyaasha ayay da’dooda u dhaxeysaa 19 illaa 35 sano jir, waxayna isugu jiraan rag iyo dumar.

Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka dunida, kuwooda loogu isticmaalka badan yahay hubka wax dila.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com