Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi uu Sabtidii si dhow ugala hadlay gardarrada Ruushka ee Ukraine, ka dib in ka badan shan saacadood oo wada hadal ah, oo ay ku yeesheen Jaziiradda Nusa Dua ee Gobolka Xeebta Bali ee dalka Indonesia.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay taageerada Beijing ee Moscow, taasoo sida uu sheegay caqabad ku ah duulaanka Moscow ee Kiev.
Antony Blinken ayaa sheegay in dhiggiisa Shiinaha uu u sheegay in taageeradooda duulaanka Moscow ee dalka Ukraine ay sii carqaladeynayso xiriirka labadooda dal, waana xilli uu horey xiriirkoodaasi u hareeyay khilaaf.
Wang Yi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha oo bayaan uga jawaabayay warka Blinken ayaa Washington ku dhaliilay inay ka masuul tahay hoos u dhaca xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Waxa kaloo uu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay dhabaha u xaartay waxa uu ku sheegay fahamka khaldan Mareykanka, ee ah in Beijing ay halis ku tahay Washington.
Wang Yi ayaa bayaankiisa ku sheegay “Dad badan ayaa aaminsan in Mareykanka uu la xanuunsanayo naceybka Shiinaha.”
Xiriirka labada dal ayaa sii xumanayay in muddo ahba, waana kii ugu xumaa ee soo mara, muddo sanado ah. Inkastoo labaduba ay wadaagaan dano siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid amni, haddana waxaa jira walaac aan weli la xalin oo la xiriira doorka dimoqraadiyadda Shiinaha iyo arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com