Muhiimadda uu leedahay socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Eritrea

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Eritrea u xushay inuu noqdo dalka saddexaad ee uu booqanayo, ka dib socdaal uu ku kala bixiyay dalalka Emirate-ka Carabta iyo Turkiga, halkaasoo Sabtidii si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayay ahmiyad u leedahay booqashadiisan, si Madaxweyne Isaias Afwerki uu ugala hadlo Ciidamadii Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalkaasi, isagoo markaasi fulinaya ballanqaadkiisii ahaa inuu askartaasi dalka dib ugu soo celin doono. Qiyaastii shan kun oo askari ayay Eritrea u tababartay Dowladda Federaalka.

Ciidamadan ayaa muhiim u ah dagaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 3-dii bishii June uu iclaamiyay in dowladdiisa ay la geli doonto Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Madaxweynaha ayaa xilligaasi Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ka sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolosha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka arxan darrada ee maleeshiyada Al Shabaab, isagoona xusay in dowladdu ay bilaabi doonto guluf kooxaha argagixisada dalka looga xoreynayo.

Ciidamada ku maqan dalkaasi Eritrea ayaa waxaa haatan la rajeynaya in dalka dib loogu soo celiyo.

Socdaalkan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay dalkaasi ayaa sidoo kale muhiim u ah siyaasadda Villa Somalia ee arrimaha dibadda, ee ay xiriirka dhow kula yeelanayso dalalka deriska iyo caalamkaba.

Dadka odoroso siyaasadda dalka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu doonayo in uu isku dheeli-tiro xiriirka dowladaha deriska iyo kuwa shisheeye, si ka duwan Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo iyadu xiriir dhow la laheyd dowlado kooban, sida Itoobiya, Eritrea iyo Qatar.

War ka soo baxay Villa Somalia ayaana lagu yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah, kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Somaliya la leedahay caalamka.”

Si kastaba ha-ahaatee safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalkaasi ayaa qaadan doono afar maalmood, sida ay Villa Somalia shaacisay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com